SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hortimid in shacabka reer Gaza loosoo raro Somalia

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya si adag uga hortimid hadalkii Ra’iisul wasaaraha Israel ee ahaa in shacabka Falastiin loosoo rari doono dalka Sucuudiga halkaasna laga dhiso maamul u gaar ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa si adag u diiday qorshayaal kasta oo lagu barakicinayo dadka Falastiiniyiinta, taasoo ah xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday dadaallo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo cadaalad oo ka hana qaada gobolka sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo si kulul u Cambaareysay hadalka Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku soo jeediyay in dhulka Sacuudiga lagu dhiso dowlad Falastiin.

War qoraala oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda sacuudiga ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu ku qarinayo Dambiyadii uu u geystay dadka reer Falastiin islamarkaana indhaha caalamka ka jeedinayo xaqiiqada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News