SO | EN

SO | EN

Iska hor imaad khasaare dhaliyay oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir

|

Muqdisho (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan  ayaa laga kasoo baxaya dagaal galabta ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dagaalka oo u dhexeyey ciidamada amaanka ee dowladda iyo rag hubaysan oo uu hoggaaminayey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Dhanka kale, dagaalka ayaa ka bilowday muranka guri ku yaalla Waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis dhanka xigta Mirinaayo kaas oo uu muran badan ka taagnaa muddooyinkii dambe, iyadoo ugudambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir amartay inaan la dhisi karin illaa amar dambe balse dhisme lagu bilaabay.

Sida wararku sheegayaan ciidamo katirsan boliiska ayaa tagay guriga si ay u joojiyaan dhismaha waxaana sidaas ku bilowday dagaalka markii ay ka hor yimaadeen ciidamo kale oo ku sugnaa dhismaha.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysay ciidanka boliiska ee tagay guriga dhismaha ka socday ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac soogaaray.

Ugudambeyn, Laamaha amaanka ee dowladda ayaa gaaray goobta uu iska hor imaadka uu ka dhacay iyaga oo ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii dagaalamaayey, iyaga oo gacanta ku dhigay labo kamid ah halka midkalana uu ka baxsaday goobta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News