Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, oo dhibane u ah dowladda Soomaaliya kaddib markii lagu soo rogay canshuuro tiro beel ah.
Sidoo kale, ganacsatada ayaa Guddoomiyaha la wadaagay cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa lawadaagay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha, ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.
Sikastaba, kulan ayaa kusoo aadayo xili maalmihii ugu dambeeyay ay xirnaayeen suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Bakaaraha iyo Xamarweyne, kaddib markii canshuur dheeraad ah ay dowladda kusoo rogtay ganacsatada.