SO | EN

SO | EN

Ciidanka ammaanka Puntland oo wada baadigoobka firxadka kooxda Daacish

|

Bari (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan oo ka imaanaya gobalka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi saaka ka socdaan baadigoobka xubno la tuhusan yahay in ay katirsanaayeen kooxda Daacish, kuwaa oo ka firxaday buurihii ay ku jireen kaddib duqeymo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday.

Sidoo kale, deegaannada iyo degmooyinka ku gedaaman buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa la geeyay ciidamo badan si ay u qabtaan firxadka kooxda Daacish ee kasoo baxaya buuraha, kuwaa oo doonaya in si dhuumaaleysi ah ugu gudbaan deegaanno ka baxsan buuraha Calmiskaad.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka Puntland oo gacan ka helayay dadka shacabka ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo in ay ktirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaa oo kasoo baxay dhulka buuraha ee ka socdaan howlgallada.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada ammaanka Puntland dadka ay qab qabteen waxaa ku jira kuwa ajaaniib ah oo la tuhmayo in ay kamid ahaayeen Daacish, waxa ayna ciidamada dadkaasi ku wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan tuhunka galay.

Sikastaba, magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sidoo kale waxaa ka socda howlgallo balaaran oo lagu baadigoobayo xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Daacish, waxaana ciidamada taageero ka helayaan shacabka oo la wadaagaya xogta dadka ay ka shakiyaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News