SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Cirro oo kulan muhiim ah laqaatay madaxa ganacsiga ee Dubai Sultan Al Mansoori

|

Dubai (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo safar shaqo ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai, Sultan Al Mansoori.

Sidoo kale, Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga, horumarka iyo maalgashiga, wada hadalladan ayaa lagu gorfeeyay sida kor loogu qaadi karo ganacsiga Somaliland, laguna soo jiidan karo Maalgashadayaasha Imaaraadka gaar ahaan xagga kaabayaasha dhaqaalaha, lojistikada, tamarta, xagga kobcinta aqoonta iyo awoodeynta Bankiga Somaliland iyo sidii loo fududayn lahaa xidhiidh ganacsi oo toos ah oo u dhexeeya Dubai iyo Somaliland.

Dhanka kale, madaxweyne Cirro ayaa iftiimiyay goobta istaraatajiyadeed ee ay Somaliland ku taallo, fursadaha maalgashi ee Somaliland ka bannaan iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi, labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi iyo hiigsiga mustaqbalka fog oo barwaaqo leh.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulamo la qaatay weftigii dalka Senegal uga qayb galay shirkii dawladaha adduunka Dubai 2025, waxayna ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maamulka, aqoonta, horumarka bulshada iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News