Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Somaliland, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda, bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh maamulka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu saldhig u tahay.
Sidoo kale, madaxweynahaa waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadiisa ee WADAJIR iyo WAXQABAD.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyeyaasha faray in bulshadooda si hufan oo daacad ah ugu adeegaan si bulshada iyo Xukumadda ay unoqdaan kuwa wadashqeyn leh.
𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.
𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.
𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,
𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.
𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: