SO | EN

SO | EN

Reysal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble oo loo diiday qaadashada Baasboorka diplomaasiga

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xogo dheeraad ah oo an helnaya ayaa sheegaya in Reysal Wasaare hore  Maxamed Xuseen Rooble laga hor istaagay safar uu rabay inuu ku tago dalka Koonfur Africa, halkaas oo ay casuumaad ugu fidiyeen jaaliyada reer Koonfur Africa.

Sidoo kale, Reysal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa ayaa la sheegay in uu rabay inuu ku safro baasaboorka xasaanadda leh diplomaasiga ah balse laga hor istaagay habraaca uu ku bixi lahaa sidaasna loogu diiday.

Dhanka kale, Rooble ayaa laga hor joogsaday sida wararku sheegayaan warqad oggolaansho si baasaboorkii diblomaasiga uu ugu tago dalka Koonfur Afrika kadib markii uu casumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Rooble oo Safarkan ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiro hore, isla markaana go’aanka loogu diiday warqadda oggolaanshaha ay ka timid madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaa lagu wadaa in Rooble uu u ambabaxo maanta dalka Koonfur Afrika, isagoo isticmaalaya baasboorkiisa Sweden, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kudhow Rooble.

Lama ogga sababta ka dambeysa go’aankan, iyadoo xusid mudan in Rooble uu ahaa shaqsigii ka shaqeeyay in madaxda haatan tallada heysa ay ku yimaadaan doorashada uu qabashadeedu uu dhexda u xirtay xilli uu dalka ku jiray marxalad adag.

RW Rooble, ayaa dhawaan waxa uu kulan gurigiisa kula qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya Ambassador James Swan kaasoo ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay doorasho raali laga wada yahay oo ku timaado hanaan loo dhan yahay.

Bartiisa Facebook ayuu ku soo qoray xogta kulanka kaasoo loo arkay in uu diidan yahay sida hadda wax ku socdaan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News