SO | EN

SO | EN

Maxaa ka soo baxay kalfadhigii maanta furmay ee baarlamaanka.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax laba billood ah ku jiray ayaa la filayaa in uu maanta u furmo Kalfadhigii 6-aad oo ah mid ka duwan, kana adag kuwii hore, maadama qoddobo masiiri ah ay go’aanno ka gaari doonaan.

Kalfadhigii 5-aad Baarlamaanka waxaa ay diiradda saareen dib u eegista Dastuurka iyo sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho qof iyo cod ah. Waxaa la meelmariyay afar cutub oo kamid ah Dastuurka dalka.

Guddoonka labada aqal ayaa intii ay fasaxa ku jireen Xildhibaannada galayay kulamo looga hadlayay dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo Guddiga Dastuurka gacanta ku hayo.

Sidoo kale, Kalfadhigaan 6-aad wuxuu billaaban doonna, iyada oo ay ganaax ku maqnaan doonaan 22 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ku xad gudbeen shuruucda baarlamaanka intii ay socotay coddeynta iyo ansixinta jiheynta doorashada qof iyo cod ah 27 bishii November ee 2024.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News