SO | EN

SO | EN

Dowladda Itoobiya oo Muqdisho usoodirtay Taliyeyaasha Sirdoonka iyo Milateriga

|

Muqdoisho (KAAB TV) – Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Itoobiya Birhanu Julla  ayaa shalay booqasho ku yimid Muqdisho iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sarraysa laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wefdiga Taliya oo ay qayb ka ahaayeen Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya Ridwan Xuseen waxay kulan la qaateen dhiggooda Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage iyo Cabdillaahi Sanbaloolshe iyagoo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika kaasoo hadda Itoobiya ka qayb noqonayso.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la iska kaashado dhinaca ammaanka, safarka saraakiishan ayaana ku soo beegmayaa xilli ay dawladda Soomaaliya olole ugu jirto in ciidanka Itoobiya laga qaado deegaannada ay kaga sugan tahay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay doonayso in la geeyo goobo kale.

Dhanka kale, Itoobiya iyo Soomaaliya oo sannadkii hore xiriirkoodu xumaa ayaa hadda u muuqda in ay dib heshiiyeen oo laga baxay xaaladdii hore.

Labadaan nin waxay si cad bannaanka ula taagnaayeen hanjabaad ee ay Somalia hawada u soo marinayeen gaar ahaan Xilliga ay taagneyd xiisadii ka dhalatay is afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo DF ay diiday

Waana sababta looga qariyay imaanshiyahooda Warbaahinta Soomaalida balse warkan Booqashadooda waxaana tabisay warbaahinta Itoobiya oo kulankii shalay guul ku tilmaantay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News