Lubnaan (KAAB TV) – Aaska hoggaamiyihii sare ee ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah iyo hoggaamiyihii ku xigay ee jagadaa qabtay, Hashem Safi al-Din oo labaduba ay Israa’iil dabayaaqadii sannadkii hore ku dishay koonfurta Beirut ayaa lagu aasay caasimadda Lubnaan, halkaasoo kumannaan taageerrayaasha Xisbullah oo isaga kala yimid gobollada Lubnaan iyo dalal kale duwan ay ku sugnaayeen, sidoo kale saraakiil sare oo ka socda dawladda Iran, ayaa iyaguna joogay goobta ay ka dhacday aaska hoggaamiyayaashii sare ee Xisbullah.
Xilli munaasabadan ay ka socotay Beirut, illaa lix weerar oo ay geysteen diyaaradaha Israa’iil ayaa ka dhacay koonfurta Lubnaan, saacadihii u dambeeyay, halka sidoo kale hawada Beirut lagu arkay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil oo dulmaraya goobta uu ka dhacayey aaska Nasrullah.
Nasrallah ayaa dhintay ka dib markii ciidamada cirka ee Israa’iil ay in ka badan 80 bam ku tuureen dhismaha ugu muhiimsan ee kooxda ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan, dhimashadiisuna waxay dhabar jab weyn ku noqotay kooxda ay Iran taageerto ee hoggaamiyihii geeriyooday oo beddelay koox awood ku leh bariga dhexe.
Dhanka kale, waxa uu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii kooxda oo uu hoggaaminayey in ka badan 30 sano, isagoo ku riyaaqaya saameyn ballaaran oo ka dhex jira kooxaha ay taageerto Iran ee gobolka.
Hoggaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah ayaa si weyn loogu ixtiraami jiray waxa loogu yeero dhidibka iska caabinta ee Iran ay hoggaamiso oo ay ku jiraan kooxaha Ciraaq, Yemen iyo Falastiin.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa gaaray garoonka ugu weyn ee ciyaaraha ee caasimadda Lubnaan, afhayeenka baarlamaanka Lubnaan iyo wakiilo ka socda Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa aaska la rumeysan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee Lubnaan muddo labaatan sano kaddib ka dhoco.