SO | EN

SO | EN

Mesut Özil oo ku biiray siyaasadda dalka Turkiga kaddib kamid noqoshadiisa xibsiga (AKP)

|

Ankara (KAAB TV) – Ciyaaryahanka weyn ee Mesut Özil, oo kamid ah ciyaaryahanad ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo ka mid ah xulka qaranka Jarmalka, ayaa hadda si cad ugu mid noqday siyaasadda Turkiga, isagoo noqday xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalkaas.

Sidoo kale, Özil ayaa maalinimadii Axada aheyd lagu daray guddiga dhexe ee go’aanka iyo fulinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) intii lagu guda jiray shir ka dhacay Ankara, iyadoo isla munaasabaddaas, markale dib loogu doortay hoggaanka xisbiga markii sagaalaad madaxweyne Erdogan.

Dhanka kale, Mesut Özil oo asal ahan ah Jarmal-Turkish ah ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahaa madaxweyne Erdogan, sannadkii 2019, madaxweynaha Turkiga ayaa ka mid ahaa markhaatiyaasha arooska Özil iyo xaaskiisa Amine Gulse, oo horey ugu guuleysatay tartanka quruxda Turkiga.

In Mesut Özil ayaa timid kaddib markii, toddobaadyo kaddib uu Özil iyo Gundogan, oo u ciyaara Manchester City isla markaana asalkiisu yahay Turkish, lagu dhaleeceeyay gudaha Jarmalka kaddib markii sawir ay la galeen Erdogan uu soo shaac baxay.

Sikastaba, Ciyaaryahan Mesut Özil ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ku biiro xisbiga AKP – Alpay Özalan, oo horey uga ciyaari jiray Aston Villa, ayaa xubin ka ahaa baarlamaanka Turkiga tan iyo 2018.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News