SO | EN

SO | EN

Howlgal lagu adkeenayo amniga oo laga sameeyey deeegaanka Ceelasha Biyaha

|

Ceelasha Biyaha (KAAB TV) – Ciidamada hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxa ay ka sameyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa kormeeray baraha lagu baaro gadiidka ka imaanaya degmada Afgooye ee u soo gudbaya  Muqdisho, si loo xaqiijiyo loogana hortago falalka lidka ku ah amniga darrada.

Gashaanle Gacma dheere oo ah Taliye ku-xigeenka hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, oo ayaa sheegay in howlgalkan uu yahy mid lagu doonayo in lagu adkeeynayo, lagana hortago shaqsiyaadka amniga darrada u horseedaya deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gashaanle Gacmo dheere,  ayaa bogaadiyay howlgallada ciidanka  waxa uuna kula dardaarmay ciidamada in ay sare u qaadaan sugida amniga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News