Congo (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada milatari ee dalka DRC, ayaa waxaa maanta ay u fadhiisatay dacwad ka dhan ah lix askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo labo dumar ah oo la shaqeynayay.
Sidoo kale, Eedeysanayaasha ayaa la horkeenay Maxkamadda Milliteriga ee Butembo oo ku taalla magaalladda Musiene ee Gobalka Waqooyiga Kivu, kuwaas oo looheysto in ay kasoo carareen cadowga, dhac iyo kufsi.
“Eedeysanayaasha waxaa lagu eedeysay inay ka carareen cadowgooda, xatooyo, kufsi, baad iyo dambiyo kale oo ay ka geysteen xarumaha Lubero-Centre, Kimbulu iyo Musienene,” Seros Muyisa, oo ah wariye maxalli ah oo goobjoog ka ahaa dhageysiga dacwadda, ayaa sidaan BBC-da u sheegay.
Dhanka kale, Fallaagada M23 ayaa qabsatay dhul ku yaalla bariga DRC tan iyo markii uu billowday duullaanka xooggan bishii Janaayo.
Todobaadkii hore ayay galeen magaalada Bukavu oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga dalkaasi, waxaana ay la wareegeen xafiiska gudoomiyaha gobolkaasi.
Kahor inta aysan Bukavu gacanta u galin fallaagada, ku dhawaad 80 askari oo Congo u dhashay iyo maleeshiyaadka Zelando ayaa la xiray waxaana lagu xiray xabsiga magaalada iyagoo sugayay maxkamadda, weerar ay soo qaadeen kooxda fallaagada M23, ayay maxaabiis ku jirtay xabsiga Bukavu ka baxsatay, oo ay ku jiraan askar.