SO | EN

SO | EN

Dagaal culus hadda ka socda degmada luuq ee gobalka Gedo

|

Gedo  (KAAB TV) – Dagaal culus ayaa saaka oo Arbaca ah ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ku soo tooseen dhawaqa rasaas xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen gudaha magaalada iyo duleedkeeda. Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka fudud, iyadoo madaafiic goos-goos ah lagu garaacay xaafado ay dagan yihiin.

Maamulka degmada Luuq ayaan la xiriirnay, balse warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray labada dhinac. Weli ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News