SO | EN

SO | EN

Alshabaab oo weerar xooggan ku qaaday saldhiga degmada Balcad

|

Balcad (KAAB TV) – Ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ayaa iska caabiyay weerar kooxda Alshabaab saaka arroortii hore ku soo qaadeen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana degmada si buuxda gacanta ugu haya Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka degaanka.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay iney waaberigii hore ee saaka la kulmeen weerar ay Al shabaab ku soo qaadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay soo galeen qeybo ka mid ah degmada ayna qabsadeen saldhiga Booliska Balcad halkaas oo ay ka sii daayeen dad ku xirnaa, inkastoo markii dambe dib looga saaray magaalada.

“Ciidamo u badan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Balcad oo saxaafada la hadlay

Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Alshabaab ay saaka jab xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii dhacay, iyagoona sheegay in meydadka kooxda Alshabaab ay daadsanyihiin beeraha degmada Balcad.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News