BAKOOL (KAAB TV) -Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Madooda oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidan.
Weerarkan ayaa lala beegsaday kolanyo ciidan oo ku socdaalayay ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo saaka aroortii dagaal la galay ururka Al-Shabaab. Qaraxa ayaa haleelay mid ka mid ah baabuurtaasi, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa tacsi u diray ehelada askartii ka geeriyootay, isagoo ku tilmaamay geesiyaal ku dhintay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
“Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waa ay sii socon doonaan,” ayuu Laftagareen ku yiri hadal uu soo saaray. Wuxuu intaa ku daray in dagaalkii Khamiista ay ciidamada dowladda ku qabsadeen hub fara badan oo ay wateen maleeshiyadii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaare xooggan.
Si kastaba ha ahaatee, ma uusan shaacin tirada maleeshiyada looga dilay ama lagu dhaawacay.
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka, xilli ciidamada dowladda iyo kuwa huwantu ay kordhiyeen duullaanka milateri ee ay ku doonayaan in ay dib ugu soo ceshadaan deegaannada ay gacanta ku hayaan maleeshiyada.