SO | EN

SO | EN

Golaha ammaanka oo lafilaayo maanta in ay sii kordhiyaan cunaqabateynta saaran Ashabaab

|

New York (KAAB TV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta lafilayaa in ay u codeyaan qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale, bayaan ay soo saareen Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay maanta ka fiirsanayaan sidii ay u cusboonaysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ee gacanta ka geystay la socodka dhaqan gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhanka kale, qoraalka qabyada ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiinaya ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.

Guddiga khubarada ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ayaa soo gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana awood u leh in ay fuliyaan weeraro adag oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, warbixintu waxay qirtay in isbedel weyn uu ku yimid awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaana intaas dheer, in warbixintu muujisay sara ukaca dhacdooyinka burcad-badeedda, iyadoo in ka badan 25 weerar oo ay ku jiraan afduubyo lagu qaaday maraakiib iyo doomo ganacsi tan iyo bishii November 2023-kii.

Danmark ayaa bishaan March qabanaysa shir-guddoonka joogtada ah ee golaha ammaanka ee billaha ah, iyadoo oo ay horyaalaan warbixino la xiriira arrimaha hadda ka taagan Ruushka iyo Ukraine, arrinta Falastiin, iyo xaaladaha Suuriya iyo Suudaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News