Hargeysa (KAAB TV) – Maxkamada Sarre ee ciidamada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah xukun ku riday dhammaan eedaysanayaashii qeybta ka ahaa dil labo bilood kahor magaalada Gabilay loogu geestay Marxuum Buux Mawliid Ismaciil.
Sidoo kale, maxkamadda ayaa Saalax Isaaq ku heshay in uu geestay dilka marxuum Buux Mawliid Ismaaciil Maxkamadda ayaana ku riday xukun dil ah.
Dhanka kale, maxkamada Sare ee ciidamada Somaliland, ayaa xukuno u kala dhaxeeya xukunno xabsi ciidan ah oo u dhaxeeya 12 sano ilaa hal sano ku kala riday lix eedeysane kale oo lagu helay in kiiskan ku lug lahaayeen, waxa ayna maxkamadda xurriyadiisa dib ugu celisay hal eedeysane oo kale.
Ugudambeynti, ehelada marxuumka horey loo dilay ee Buux Mawliid oo ahaa sargaal ciidan ayaa soo dhaweeyay xukunnadan ay maxkamadda maanta riday, waxa ayna sheegeen in ay sugayaan in xukunka maxkamadda la fuliyo lana toogto ninka gacankudhiiglaha ahaa ee dilka geestay.