Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kamid ah Xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo maanta baarlamaanka ka hor hadashay ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Xasan Firimbi, oo hormuud u ahaa mooshinka la geeyay baarlamaanka ee ku saabsan xayiraada xildhibaannada Jubbaland.
Sidoo kale, Xildhibaanad Sareedo ayaa xildhibaan Xasan Firimbi usheegtay in kaligood aan la celin ee horay arirntan loogu sameeyay xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed.
“Ninkaan bood-boodaayow jooji bood-boodka waa adiga, hortaa ayaa dadka la xiray waxaan ku leeyahay waddanka cagta u dhig, haddii aad iga daba hadasho maanta bannaanka ayaan kuu istaagaa ee meel fariiso”.
“Baaramaankan aan ka dhigno baarlamaan, guddoomiye xildhibaankii gacan-qaad sameeyo waa inuu shaqeeyo guddiga anshaxa iyo sharciga, aflagaado ninkii sameeyaa waa in lala xisaabtamaa” ayay hadalkeeda sii raacisay Xildhibaanada Sareedo.
Sikastaba, Sabtidii ayey aheyd markii sidaan oo kale Xildhibaan Xasan Firinbi iyo Xildhibaanad Gobsan isku weydaarsadeen hadalo adag baarlamaanka dhexdiisa, iyadoo ugudambeyn ay gaartay in uu baarlamaanka noqdo mid fowdo ah.