SO | EN

SO | EN

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo shacabka Puntland uga digtay in ka fogaadaan ka hadalka kiis xasaasi ah oo taagan

|

Garoowe (KAAB TV) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayey uga hadashay xariga magaalada Garoowe loogu geestay macallimiin iyo xubno kale oo lagu tuhmayo in ay taageereen kooxda Daacish ay dagaalka kula jiraan ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Xariga loo geestay xubnahan tuhunka soo galay, ayaa gudaha Puntland ka dhalisay hadal heyno kala duwan, waxa ayna dadka qaar tilmaamayeen in dadka la xiray loo maray xarigooda sifo sharcidarro ah, loona heesto arrimo ka duwan kuwa hadda lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa uga digtay bulshada reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaannada ay dadka xiran ku wadaan laamaha amniga, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska argagixisada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News