Daarul-Nimca (KAAB TV) – Sida lagu daabacay wargeyska Wall africa journal WAJ diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa duqaymo lagu beegsaday Al-shabaab ka fuliyay gobolka Shabeelada Dhexe.
Sidoo kale, diyaaradaha Itoobiya waxa ay duqeynta ka fuliyeen degaanka Daaru-Nimca oo la arkayay diyaarado duqayn ka fulinayay goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiic aan la garanayn oo aad u culus aadna u dhawaq wayn ay ku dhaceen keymaha Daarul-nimca kuwaa oo qasbay in ay gubato qeybo ka mid ah deegaankaas.
Duqeyntan ayaa Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeesay oo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ay toos uga qayb noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Diyaaradahaaan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iyo kuwa Turkiga ayaa looga bartay iney duqeeyaan goobaha ay joogaan Al-shabaab iyagoo taageeraya ciidamada DF.
Itoobiya ayaa waxaa Somalia ka jooga kumanaan askari oo badankood ku sugan gobolada Bay bakool iyo Gedo waxayna qaarkood qeyb ka yihiin ciidamada midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.