New York (KAAB TV) – Madaxweyne Donald Trump, ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah maxaabiistii Israa’iil u dhalatay ay sii daayeen kooxda Xamaas, kuwaa oo sannad kadib dib u helay xuriyadood kaddib heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil.
Sidoo kale, madaxweyne Trump, ayaana kulanka kaddib qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, waxa uu fariin adag oo hanjabada hawada ugu diray kooxda Xamaas, waxa uuna ku amray in kooxdaasi deg deg usii deyso maxaabiista ay wali hayaan, haddii kale laga qaadi doono tallaabo adag.
“Tani waa digniintii ugu dambeysay, hoggaankiinna waa waqtigii aad ka bixi lahaydeyn Qaza, maaddaama aad weli fursad u haysatan, Sidoo kale, dadka Qaza waxaa jira mustaqbal qurux badan oo sugaya, laakiin maaha haddii aad haysato maxaabiis, Haddii aad sameyso, waad dhimatay” ayuu yiri Trump.
Trump, ayaa sheegay haddii Xamaas ay sii deyn weyso maxaabiista ay heesato in Israa’iil u dirayaan wax kasta oo suurto gal ka dhigi karta in ay kusoo afjarto jiritaanka Xamaas, waxa uuna sheegay in Xamaas la layn doono dhammaantood.
“Waxaan u dirayaa Israa’iil wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u dhammeysato howlgalka ka dhanka ah Xamaas, ma jiro xubin ka tirsan Xamaas oo nabad geli doona haddii aad yeeli weydo waxa aan leeyahay sii daaya maxaabiista hadda, haddii kale cawaaqibku wuxuu noqon doonaa cadaab hadhow.” ayuu ku hanjaby Trump.
Dhankeeda kooxda Xamaas, ayaa si adag u dhaleeceysay hanjabaada kasoo yeertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxa ayna sheegeen Xamaas in fariintan muujineyso sida Mareykanka u doonayo in uu qeyb kasii ahaado xasuuqa loo geesanayo shacabka Gasa.