Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta DF Soomaaliya Muqtaar Roobo oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, ujeedka shirka ayaana ahaa howlgallada dalka looga ciribtirayo Al-shabaab.
Ugu horeyn, Wasiir Robow, ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka,waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Al-sahbaab u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoona tilmaamay in tabar beeleen awoodna ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taasoo iyana ugu dambeyn u socon waysay.
“Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho, Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore.” Ayuu yiri Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.
Dhanka kale, Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay mowqifka culimada ee dagaalka Al-shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa oo ka been sheegay diinteena suuban ee Islaamka ah.
Sikastaba, culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Al-shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi in Alle loogu dhawaanayo.