SO | EN

SO | EN

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in dalkeeda ka tarxiili doonto qofkii taagero Xamaas

|

New York (KAAB TV) – Mareykanka, ayaa bilaabay in uu cadaadis saaro dadka kasoo horjeeda xasuuqa Israa’iil ka wado gudaha Gaza ee kunool gudaha Mareykanka, kuwaas oo marar badan ka qeyb galay dibadbaxyo looga soo horjeedo Isra’iil.

Sidoo kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay inuu Mareykanku kala laabanayo kaarka degganayasha Mareykanka ee Green cards iyo fiisaha, dadka taageerra ururka Xamaas ee ku sugan gudaha Mareykanka.

Dhanka kale, ciidanka Mareykanka ayaa markii uu soo baxay go’aankan xiray arday Falastiini ah oo lagu magacaabo Mahmoud Khalil oo ka qallinjabiyay jaamacadda Columbia, kaas oo door muuqda ka qaatay mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday Israa’iil ee ka dhacay Jaamacadda Columbia, wuxuu heystay Green cards, balse waxay sheegeen waaxda socdaalka Mareykanka ee ICE in lagala noqday oo la tarxiili doono.

Sikastaba, go’aankan Mareykanka kasoo baxay ayaana saameyn xooggan ku yeelanaya dadka Mareykanka ku jooga Green cards ama fiisaha, kuwaa oo la tarxiilayo haddii ay ka qeyb galaan dibadbaxyada Israa’iil looga soo horjeedo laguna taageerayo Falastiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News