Garoowe (KAAB TV) – War ka soo baxay Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi, ayaa si KMG ah lagu joojiyay in jaad la keeno furumaha ee dagaalka, gaar ahaan buuraha Calmiskaad ee ciidamada Puntlamd kula dagaallamayaan kooxda Daacish.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland ayaa amarka uu soo saaray lagu sheegay in sababo amni-dartood loo joojiyay muddo 11 maalin ah wax jaad ah loo keeno ciidamada hortaagan cadawga Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
“Waxaa lafarayaa dhamaan madaxyada kor kuxusan in laga bilaabo 11.03.2025 ilaa 21.03.2025 amar kasoo baxay taliska ciidanka hawlgalka hilaac in lajoojiyay keenista qaadka fadhiyada kala duwan ee ciidamada qaybta ka ah hawlgalka hilaac sababo amni darted hadaba cidii jabisa awaamiirtaas kasoo baxday taliska hawlgalka hilaac waxa ay lakulmaysaa ciqaab iyo ganaaxyo kala duwan” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.