SO | EN

SO | EN

UK oo ku dhawaaqday 40 Milyan oo Doollar oo Gargaar Bini’aadantinimo iyo Caafimad oo dheeri ah ay siinayso Soomaaliya

|

UK (KAAB TV) -Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ugu yaboohday 40 milyan oo dheeri ah oo gargaar bani’aadanimo iyo caafimaad ah, taasoo lagu beegsanayo bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, iyo xasaradaha la xiriira cimilada. Tani waxay ka dhigeysaa wadarta guud ee gargaarka bini’aadanimo ee UK ay siiso Soomaaliya 2024 iyo 2025 in ka badan $106 milyan.

Safaaradda Britain ee Muqdisho oo ku dhowaaqday maalgelintan Isniintii ayaa sheegtay in gargaarku uu bixin doono cunto degdeg ah, biyo nadiif ah, iyo daryeel caafimaad, iyadoo sidoo kale lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah hoy iyo adeegyo muhiim ah. Qayb ka mid ah maalgelinta waxay aadi doontaa dadaallada u adkeysiga cimilada, oo ay ku jiraan nidaamyada digniinta ugu horayso, u diyaargarowga musiibada, iyo taageerada hab-nololeedka.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa ku nuux-nuuxsaday taageerada joogtada ah ee UK ay siiso dalka, isagoo yiri:

“Maalgelintan waxay muujineysaa sida ay UK uga go’an tahay Soomaaliya iyo dadkeeda. Anagoo kaashanayna la-hawlgalayaasha la aamini karo, waxaan hubineynaa in adeegyada lagama maarmaanka ah ay gaaraan kuwa aadka ugu baahan iyadoo sidoo kale aan aasaaska u dhigayno mustaqbal adkeysi leh oo waara. Waxaan aadnaa meel fog markaan isla tagno.”

Xirmada gargaarka waxaa ka mid ah in la taageero hay’adaha waaweyn ee samafalka, sida Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), UNICEF, iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Hay’adahani waxay u isticmaali doonaan maalgelinta si ay u gaarsiiyaan cunto, daryeel caafimaad, iyo barnaamijyo nafaqeyn, iyo sidoo kale inay ka caawiyaan bulshooyinka barakacayaasha hoy iyo adeegyada muhiimka ah.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso ka dib markii ay heleen roobab ka hooseeya heerka caadiga ah, taasoo sii xumeysay cunto yari, malaayiin qofna ay halis ku jiraan. Taageerada dheeraadka ah ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa la filayaa inay kor u qaaddo dadaallada wax ka qabashada bini’aadantinimada iyo xoojinta istaraatiijiyadaha adkeysiga muddada-dheer ee bulshooyinka aadka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada iyo iskahorimaadyada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News