Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya ayaa shaacisa in la soo afjaray howlgalkii milatari ee ka dhan ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad.
Iska hor imaadyo u dhexeeyay kooxo daacad u ah Bashaar Al-assad iyo xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ayaa ka qarxay gobolka xeebta, oo ah xudunta taageerada madaxweynihii xukunka laga tuuray.
Sida laga soo xigtay hay’ad kormeerta dagaalka, rabshadahani waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, oo badankood ahaa shacab.
Sidoo kale, afhayeenka difaaca Suuriya Xasan Cabdul Ghani, ayaa bartiisa X ku sheegay in hay’adaha dowladda ay hadda dib u billaabi karaan shaqadoodii ayna bixin karaan adeegyada lagama maarmaanka u a dowladnimada.
“Waxaan gogol-xaar u sameyneynaa in noloshii caadiga ahayd dib usoo laabato, iyadoo la adkeynayo amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri Cabdul Ghani.
Wuxuu intaas ku daray in la diyaariyay qorshayaal lagu ciribtirayo wixii ka haray xukuumaddii hore lagana hortagayo khatar kasta oo mustaqbalka iman karta.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Suuriya, Axmed Al-Sharca, ayaa Axaddii ballan qaaday in la daba-gali doono kuwii ka dambeeyay rabshadihii dhacay, wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo jebisay xeerarka maamulka cusub.
Xafiiska al-Sharca ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la dhisayo guddi madax-bannaan oo baaritaan ku sameyn doona rabshadihii iyo dilalkii ay geysteen labada dhinac.
Cabdul Ghani ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay si buuxda ula shaqeyn doonaan guddiga baaritaanka, iyagoo siineya marin buuxa si loo ogaado xaqiiqada dhacdooyinka, loona hubiyo cadaaladda.
“Waxaan guul ka gaarnay weerarradii xubnihii ka haray xukuumaddii hore iyo saraakiisheeda. Waxaan ka hortagnay weerarradoodii lama filaanka ahaa, anagoo ka fogeynay xarumaha istiraatiijiga ah, islamarkaana sugay amniga inta badan waddooyinka waaweyn,” ayuu raaciyay.
Inkasta oo xaalad deggenaan ah ay jirtay kadib markii Assad xilka laga tuuray bishii December, haddana rabshaduhu waxay sare u kaceen maalmahan dambe, iyadoo ciidamo la xiriira xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ay bilaabeen inay bartilmaameedsadaan kacdoon xooggan oo ka imanaya qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta.