SO | EN

SO | EN

Nabadoono caan ahaa oo ku dhintay weerarkii saakey Alshabaab ku qaadeen Hoteel Qaahira

|

Beledweyne (KAAB TV) – Kooxda Al-shabaab ayaa weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday, Hotel w kuyaallay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, hotelka weerarka lagu qaaday waxaa saacado badan ka dhax dagaallamayay rag hubeysan oo katirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaa oo tooganayay dadkii ku sugnaa dhismaha.

Dhanka kale,  dhismaha la weeraray waxaa degnaa odayaal dhaqmeed kasoo jeeday beesha Gaaljecel iyo saraakiil, kuwaa oo waday abaabulka howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Weerarka waxaa lagu dilay dad ku dhaw 10 qof ay ku jiraan odayaal caan ah iyo saraakiil, waxaana dadka weerarka ku dhintay ku jira Nabadoon Aadan Maxamed Indhabuur, Nabadoon Aadan Raaxo Jecel , Nabadoon Ileynaa iyo xubno kale.

Sikastaba, maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya faahfaahin badan kama aysan bixin weerarkan xooggan ee saakay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Beledweyne, walina si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarka ka dhashay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News