Yemen (KAAB TV) – Xuutiyiinta Yemen, ayaa ku hanjabtay in ay dib u bilaabayaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh Israa’iil iyo kuwa ku socda dekadaha ay maamulaan.
Sidoo kale, afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah ay dib ugu billaabayaan weerarrada ka dhanka ahaa maraakiibta xiriirka la leh maamulka Israa’iil oo bilaabay go’doominta Gaza.
Dhnaka kale, afhayeenka ayaa xusay Xuutiyiinta in uu dhammaaday waqtiga kama dambeysta ee ay u qabteen Israa’iil inay u fasaxaan marinka Qaza gaadiidka sida gargaarka ee ay Israa’iil hor istaagtay inay galaan magaalada Qaza, tallaabo ay u adeegsanayso Israa’iil inay ku cadaadiso Xamaas qaadashada nooca heshiis ee ay doonayaan ee sii deynta maxaabiista.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay joojinayaan weerarada maraakiibta Israa’iil xiriirka la leh haddii ciidamada maamulkaasi fasaxaan gaadiidka gargaarka u sida shacabka dhibaateysan ee ku dhaqan magaalada la burburiyay ee Qaza.
Sikastaba, dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qaza ayaa si dhaqsi ah u boggaadiyay go’aanka Xuutiyiinta oo ay ku sheegeen tallaabo geesinimo leh oo lagu cadaadinayo Israa’iil, si ay dadka Qaza u helaan gargaarka ay u baahanyihiin.