SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne

|

Beledweyne (KAAB TV) – Xogo kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay kooxda Alshabaab ku qaaday hoteel Qaahir ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, dagaalyahada weerarka soo qaaday ayaa lagu soo waramayaa in ilaa xalay ay ka dhex dagaalamayeen gudaha Hoteelka, iyadoo soo afjarista weerarkooda ay qaadatay muddo 24-saacadood ah.

Dhanka kale, wararku waxa ay intaas ku darayaan in xubno kale oo katirsan Alshabaab ay xalay dib ugu soo rogaal celiyeen aagi shalay weerarka ka dhacay, iyadoo xalay magaalada Beledweyne laga dareemayay dhaq-dhaqaaqa kooxda Alshabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News