SO | EN

SO | EN

Siciid Deni oo ka hadlay xiisada aan dhamaadka laheyn ee ka dhex taagan Somaliland & SSC

|

Bosaaso (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay Kulan xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan ka dhex aloolsan Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac ee SSC-khaatumo iyo Soomaaliland in ay joojiyaan dagaalka oo ay ku beddelaan wada-hadal, isagoona xusay in aysan marna kala guuri karin labada dhinac.

“Dirirta jiidda hore ee gobolka Sool ka aloosan waan ka xumahay runtii in arrintaasi dhacdo, waxaan rajaynayay in ay dagaalladii intaasi ku ekaadaan, haddii dadka degaanka ujeedkoodu ahaa in ay degaannadooda kala joogaan, wixii kale oo dagaal la huriyo waa dagaal runtii aan garawshiyo lahayn” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sikastaba, hadalka Siciid Deni ayaa kusoo beegmaya xilli ay colaad daran oo qabiil ku salaysan ka dhex taagan tahay dhinacyada SSC-khaatumo iyo Somaliland, iyadoo dagaallo culus oo khasaare badan sababay ay dhawaanahan dhexmareen ciidamada labada dhinac oo weli is hor fadhiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News