Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta Isbitaalka weyn ee Hargeysa ku booqday, askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliland iyo Ciidamada Madaniga ah ee dhawaan ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Degmada Buq-dharkayn.
Sidoo kale, dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC Khaatumo waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo kala gaaray labada dhinac.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Ciro ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu mid-mid udul istaagay askarta kusoo dhawaacantay dagaalkii Buqdharkeyn, isagoona ka wareystay xaaladooda Caafimaad iyo dhaawacyadooda dhaawacyada ay qabaan ciidamadu, taasi oo ay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawacantay ay Madaxweynaha xog guud ka siiyeen xaaladooda.
Ugudambeyn, madaxweyne Ciro ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Cisbitaalka iyo Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Qaranka ka dhegaystay warbixinta guud ee la xiriirta qaabka uu u socdo daryeelka Ciidamada dhaawacmay xag Caafimaad iyo xag nololeedba.