Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in 120 xubnood looga dilay Al-shabaab duqeymo ka dhacay degmada Jilib

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday xarumo waa weyn oo ay kooxda Al-shabaab ku leedahay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeymahaan ay ahayeen kuwii ugu balaarna ee kooxda lagula eegto degmada Jilib, waxaana la sheegay in lagu dilay 20 ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab iyo 100 maleeshiyaad ah.

“Khasaaraha guud ee duqeymaha degmada Jilib ku gaaray maleeshiyadaadka Khawaarijta waa dhimashada 20 meeyo horjoogayaal sar sare, dhexe iyo maleeshiyaad 100 gaaraya oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, waana duqeymihii ugu ballaarnaa ee gudaha degmada Jilib laga fuliyo mudooyinkaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Duqeymaha ayaa la tilmaamay in kuwa ugu horeeyay lala bartilmaameedsaday fariisinka ugu weyn ee kooxda Al-shabaab ku leedahay Jilib, xili ay halkaasi shir ku lahayeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

“Waxaa sidoo kale goobaha la duqeeyay ka mid ah xarun weyn oo isugu jirtay xarun lagu tababaro Maleeshiyaad iyo meel ay ku marin habaabiyaan carruurta waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday goob ay deegaan ahaan u degenaayeen horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsan marin habaabinta iyo luminta carruurta, ayadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goobaha kale ee duqeymaha culus lala eegtay waxaa ka mid ah Xarun lagu magacaabo Karuur oo ay ku keydsan jirtay kooxda Al-shabaab shidaal, hub iyo agab kale oo gebi ahaanba lagu gubay duqeynta lagu beegsaday xaruntaas.

Si kastaba ha ahaatee duqeymahaan culus ee laga fuliyay gudaha magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa lasoo warinaya durba ay sababtay in Horjoogayaasha Al-shabaab ay isaga cararaan gudaha magaaladaas.

“Horjoogayaasha Al-shabaab  markii hore si raaxo leh ku joogay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa hada bilaabay iney ka kala cararaan magaalada, ayagoo naftooda ula cararay duurka waxaana magaaladii Jilib ee Taliskii dhexe ee Khawaarijta aheyd hada ay tahay mid haawaneysa oo baqdin aawgeed duurka iyo beeraha loo miciin biday” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News