SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhigga Nabad Sugidda Waajid

|

Waajid (KAAB TV) -Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu ka dhacay iska hor imaad.

Dagaalka oo socday muddo dheer ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan kooxihii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyaad badan, sidoo kalena ay ka furteen hub.

War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu xaqiijiyay in la xiray sarkaal muhiim u ahaa warbaahinta Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Maxamed (oo loo yaqaan Cabdicasiis). Eedeysanaha oo sida la sheegay muuqaal ka duubayay qaabka uu u dhacay weerarka, ayaa waxaa lagu xiray Xabsiga Waajid, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo. Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay qalabkii uu duubi lahaa.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay inay heleen oo ay ka takhaluseen qaraxyo badan oo ay aaseen rag ka tirsan Al-Shabaab. Walxaha qarxa ayaa laga helay agagaarka garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid iyo wadada muhiimka ah ee isku xirta garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Maamulka degmada Waajid ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo ka hortagga weeraro kale oo ay geystaan ​​Al-Shabaab oo muddo sanado ah ka waday Soomaaliya falal amni darro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News