New York (KAAB TV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu bishan Abriil yeesho kulan gaar ah si uu uga doodo xaaladda Soomaaliya, iyadoo James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Hawlgalka KMG ah ee UN-ka (UNTMIS), la filayo inuu warbixin siiyo.
Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu Golaha siiyo warbixin ku saabsan hirgelinta hawlgalka taageerada iyo xasilinta AUSSOM.
Golaha Ammaanka ayaa weli isku raacsan taageeridda mudnaanta dowladda Soomaaliya, sida dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka. Balse, walaac ayaa ka taagan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.
Kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo khilaafaadka qabiilka ee sii xoogeysanaya ayaa loo arkaa inay fursad u noqdeen Al-Shabaab si ay u ballaariyaan saameyntooda. Golaha ayaa la filayaa inuu xoojiyo dadaallada lagu mideynayo hoggaanka dalka, lana helo maalgelin sugan oo lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Bilihii lasoo dhaafay, kooxda Al-Shabaab ayaa qaadday weerarro isdaba joog ah. Weeraradaasi ayaa sare u qaaday carqaladeynta dadaallada xasilloonida. Weerarro culus ayaa ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha hoose, iyadoo Al-Shabaab ay isku dayeen inay beegsadaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo saraakiil sare oo dowladeed.
Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Ciidamada Cirka Itoobiya ayaa duqeymo ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Maraykanka ayaa sare u qaaday weerarada cirka tan iyo markii Madaxweynaha cusub Donald Trump xafiiska la wareegay, waxaana weeraradaasi lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab iyo IS-Somalia oo saldhigyo ku leh gobolka Puntland.