SO | EN

SO | EN

DF oo diiwaangelinta codbixiyaal ka bilawday Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka degmada Shangaani ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyaasha Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in diiwaangalinta ay tahay bilaw, dhowaana ay ka sameyn doonaan degmooyinka kale.

Dad u badan shaqaalaha dowladda, mas’uuliyiin ay ku jiraan xubno wasiiro, askar iyo hawqeen ayaa la arkayay iyagoo saf ugu jira goobta diiwaangalinta oo ah dhisme dowladdu leedahay oo ku yaalla degmada Shangaani.

Diiwaangelintan ayaa daba joogta qorshaha muranka badan dhaliyay ee qabashada doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, kaasoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyadu ay diiddan yihiin.

Guddoomiye ku Xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Yabooh ayaa toddobaadkii hore shaaciyay in in kastoo 20 degmo loo qorsheeyay in ay doorashada tooska ka dhacdo haddana hadda ay diyaar yihiin 9 degmo oo kaliya.

“Guud ahaan 163 goobood oo dalka ayaa la qorsheeyay in laga codeeyo, laakiin qorshahaasi waxaa hadda bedelay 9 degmo oo diyaar ah. Inta kale markay diyaar noqdaan ayaa la geyn doonaa diiwaan gelinta,” ayuu yiri Yabooh.

Diiwaangelinta cod bixiyaasha ayaa qeyb ka ah wax-ka-beddelkii lagu sameeyay dastuurka federaalka, kaasoo dhalay dhismaha Guddiga Doorashooyinka ee cusub.

Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday is beddelka dastuurka, waxaana sidoo kale diiday siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee Dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale taageerada guddiga doorashada ka caga jiiday beesha caalamka, oo ka walaacsan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka kala geeyay, iyadoo muddo ku dhow uusan qabsoomin shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

Muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka harsan hal sano, waxaana dad badan ay walaac ka qabaan in qorshaha diiwaangelinta codbixiyaasha ee halka dhinac ee ay dowladdu hadda bilawday uu ku saleysan yahay xukun kororsi uu damacsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News