SO | EN

SO | EN

Wararkii ugudambeeyay waa sidee xaalka degmada Aadan Yabaal

|

Aadan Yabaal (KAAB TV) –   Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow xubnaha Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka ku qaadeen weerar culus.

Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir ah, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa xaq-u-dirirka ee deegaanka.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada, kadib markii ay dib uga baxeen ciidamada huwanta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac oo dagaal culus oo la’isku riiqmay uu ku dhex-maray halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin bannaanka magaalada, halkaas oo lasoo wariyay in ay ka wadaan is uruursi ciidan, iyaga oo ujeedkooda uu yahay in mar kale ku laabtaan fariisamahoodii degmada Aadan Yabaal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News