Yemen (KAAB TV) – Kooxda Xuutiyiinta ee maamula qeybo kamid ah dalka Yemen, ayaa shalay ku guuleestay in ay soo ridaan mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka u adeegsato basaasida iyo sidoo kale weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Yemen.
Sidoo kale, War kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta ayey ku sheegeen in shalay oo NJimco aheyd ay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper, diyaaradda ayaa xilliga lasoo ridayay ku jirtay howlgal basaasnimo ah sida ay kooxda sheegtay.
Dhanka kale, diyaarada ay soo rideen kooxda Xuutiyiinta ee MQ-9 Reaper, ayaa noqonaysa middii 20 ee Xuutiyiinta ay ka soo ridayaan Mareykanka, waxa ayna xukuumadda Washigton khasaarooyin badan kala kuleen diyaaradahan kooxda kasoo riday.
Diyaaradan ay soo rideen Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa midiiba lagu qiimeeyaa in ay ku fadhiso lacag gaareysa 33 milyan oo dollar, waxa ayna isku darka diyaaradaha Xuutiyiinta soo rideyn lacagtooda noqoneysaa 660 milyan oo dollar.
Sikastaba, soo riditaanka diyaaradan Mareykanka leeyahay , ayaa kusoo aadeysa xilli diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeymo culus ka fuliyeen goobo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta, waxaana duqeymahaasi ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo shacab soo gaaray.