Muqdisho (KAAB TV) –Wararka naga soo gaaraya goobta isdiiwaangelinta Doorashooyinka ee degmada Shangaani ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu qabtay nin ku eedeysan in uu isku dayay inuu laba jeer isdiiwaangaliyo .
Yuusuf Axmed Dhaqane oo ah dable ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa markii uu marayay isdiiwaangelinta labaad waxaa soo qabtay qalabka casriga ah ee hawsha lagu qabanayo, kaas oo soo saaray macluumaadkiisa oo sheegaya in uu hore isaga diiwaangeliyay isla degmada Shangaani.
Eedeysanaha oo ay gacanta ku dhigeen Booliiska qaabilsan ilaalinta amniga iyo habsami-u-socodka hawlaha isdiiwaangelinta doorashada ayaa waxaa hadda loo gudbiyay xarumaha amniga si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.
Sida ku cad xeerarka iyo habraacyada doorashada, waxaa mamnuuc ah in uu qofku isku dayo inuu iska diiwaangeliyo wax ka badan hal goob, haddii ay taas dhacdana waxaa soo qabanaya systemka, sidaas ayuuna qofku ku mutaysanayaa maxkamad iyo tallaabo sharci ah oo gaari karta illaa xabsi.
Dadka sida dhaw ula socda xogta isdiiwaangelinta doorashada ayaa waxa ay dhacdada ku saabsan ninka lagu eedeeyay inuu laba jeer isdiiwaangeliyay ku fasirayaan mid ka tarjumaysa xiisaha ay dadka Soomaaliyeed u qabaan doorashada Qof iyo Cod oo noqonaysa tii ugu horreysay ee dhacda muddo ka badan 50 sano.
Illaa iyo hadd isdiiwaangelintu waxa ay ka dhacday ku dhawaad shan degmo oo qaarkood ay weli ka socoto, waxaana warbixinnada lag helay Guddiga Doorashada ay sheegayaan in tirada dadka la diiwaangaliyay ay aad uga badan tahay intii la filan karay.
Waxaa la filayaa in isdiiwaangelintu ay socoto illaa 30-ka bisha June, markaas oo loo gudbi doono codbixinta doorashada, sida uu dhigayo jadwalka qorshe-hawleedka Guddiga Doorashada.