BARDAALE (KAAB TV) –Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow dagaal qaraar ayaa ka socda duleedka magaalada Bardaale ee gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Maleeshiyada deegaanka ay aroornimadii hore ee saakay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka Magaalada.
Hubka culus ayaa la isku adeegsanayaa labada dhinac, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayaa guud ahaan Bardaale, taasoo cabsi iyo xiisad ka abuurtay dadka deegaanka sida ay sheegayaan wararka deegaanka.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo weli socda. Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee deegaankaas ka dhaca, iyadoo dhowr jeer oo hore ay gacan-ku-haynta gacan-ku-heynteeda la wareegeen.
Maleeshiyada deegaanka oo horay looga saaray Bardaale ayaa hadda isku dayaya inay dib ula wareegaan magaalada. Maalmihii lasoo dhaafay waxa ay wadeen abaabul dagaal oo duleedka ka ah, waxaana saaka aroortii ay weerar abaabulan ku qaadeen.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ay xireen wadooyinkii saadka soo gala degmada Bardaale, taasi oo qalqal weyn ku keentay shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka.
Dagaalladan soo noqnoqday ayaa la sheegay inay ka dhasheen saluug soo jireen ah oo dhanka maamulka iyo maamulka ah, kuwaasoo hadda isku bedelay dagaal hubeysan.
Xiisadan cusub ayaa ku soo aadeysa, xilli ay sii xoogeysatay xasillooni darrada ka jirta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo horey loola tacaalayay xiisado la xiriira doorashada iyo khatarta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Kooxda ayaa dhawaan weerar culus ku qaaday inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Deynuunaay, waxaana iska caabiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo mar walba waday howlgalo adag oo lagu burburinayo kooxdaasi.