Garoowe (KAAB TV) – Xubno katirsan madaxtooyada maamulka Puntland aadna ugu dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ka shaqeenaya sidii meesha looga saari lahaa xubno katirsan guddiga doorashooyinka, oo ay ku jiraan xubnaha ugu sarreeya.
Sidoo kale, xubnahan ku dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ka shakiyay shaqada iyo daacadnimada xubno katirsan guddiga doorashada, kuwaa ay tuhmayaan in xilligan aysan daacad u aheyn Madaxweyne Siciid Deni.
Dhanka kale, Siciid Deni ayey xubnahan ku dhaw dhaw kula taliyeen in uu meesha ka saaro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar (Keke) iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan guddigaasi.
Iyadoo lafilaayo in madaxweyne Deni uu shaqada ka eryayo xubnaha laga shakiyay ee ku jira guddiga doorashooyinka, kuwaa oo qaarkood lagu tuhmayo in xiriir hoose la leeyihiin guddiga doorashooyinka Qaranka ee heer federaal.