SO | EN

SO | EN

Macawiisleeyda Hiiraan oo weerar ka fuliyay deegaano hoostaga Aadan Yabaal

|

Aadan yabaal (KAAB TV) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, hayeeshee maysan sheegin tirada rasmiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali saakay ciidanka Macawiisleeydu ka wadaan tuulooyinka hoostaga Aadan yabaal howlgalo ay kusii baacsanayaan firxadka Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan kooxda Al-shabaab dagaal culus oo khasaare badan geystay kula wareegtay degmada Aadan yabaal oo laba sano ka hor la warageen ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News