SO | EN

SO | EN

Ergayga cusub ee Midowga Afrika oo Muqdisho yimid

|

Muqdisho (KAAB TV) – Rahmon Adebayo, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimco ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay C/qaadir Burgaal oo ah Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

War saxaafadeed ay soo saartay wax yar ka dib imaatinkiisa, dowladda Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay inay ka go’an tahay inay ilaaliso “habdhaqanka sare” ee la macaamilka saaxiibada caalamiga ah, iyadoo ku nuuxnuuxsatay “dulqaad la’aan” ficil kasta oo wiiqi kara ixtiraamka labada dhinac ama mudnaanta istaraatiijiyadeed ee dalka.

 

Adebayo waxa uu bedelay Bam Sivuyi, oo si ku meel gaar ah u soo noqday muddo yar gudaheed ka dib markii uu baxay Mohamed El-Amine Souef, oo ahaa dublamaasi ruug-caddaa ah oo u dhashay Komoriya oo soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) laga bilaabo Sebtembar 2022 ilaa horraantii 2025-kii.

Souef, ayaa horay xilal sare uga soo qabtay Qaramada Midoobay ee Mali iyo Darfur, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay sidii uu ula wareegi lahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee loo wareejinayo ATMIS.

 

Muddadii uu xilka hayay waxaa lagu asteeyay dadaallo lagu taageerayo amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, in kasta oo uu ka tagay iyada oo ay jiraan caqabado weli ku jira fulinta howlgalka.

 

Adebayo, oo ah diblumaasi rug cadaa ah, ayaa la filayaa in uu u maro caqabadahan oo uu si dhow ula shaqeeyo maamulada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si wax looga qabto caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News