WASHINGTON (KAAB TV) –Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in aysan taageeri doonin howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo horaantii sanadkan ka bilowday Soomaaliya.
William Pope, Safiirka Mareykanka ee Uganda, ayaa sheegay in Mareykanka uusan diyaar u aheyn inuu taageero howlgalka AUSSOM. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Soomaaliya aysan hadda gaarin heer uu dalka ka hirgelin karo go’aan ka soo baxay Golaha Ammaanka oo lagu taabba-gelinayo howlgalkaas.
Pope waxa kale oo uu iftiimiyay in Maraykanku uu hore ugu deeqay 2 bilyan oo doollar hawl-gallo nabad-ilaalin ah oo hore ee Soomaaliya balse aanu taageero dhaqaale ku siin doonin hawlgalka AUSSOM.
Howlgalka AUSSOM ayaa hadda wajahaya dhaqaale yari daran, iyadoo Midowga Yurub uu walaac ka muujiyay cadaadiska dhaqaale iyo midka saadka labadaba. Midowga Yurub ayaa muddo dheer ahaa ka qaybgalka ugu weyn ee dadaallada nabad ilaalinta Soomaaliya, balse waxa uu tilmaamay in uu la daalaa dhacayo ballanqaadyadiisii.
Midowga Yurub ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si dheeli tiran looga qeyb qaato howlgalka caalamiga ah, isagoo ku booriyay wadamada muhiimka ah in ay bilaabaan bixinta taageero maaliyadeed si loo xaqiijiyo in howlgalka Soomaaliya uusan hakad gelin.
Ugu dambeyn, Midowga Yurub ayaa si cad u sheegay in tabarucaad dhaqaale oo keliya aysan xalin doonin caqabadaha mustaqbalka ee Soomaaliya. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo taageero wadajir ah, muddo dheer ah, wuxuuna ka digay in lagu tiirsanaado oo keliya taageerada Yurub ee howlgalka.