Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin, waxaana lagu wadaa inuu Sheekh Aadan Madoobe halkaasi ka jeedo Khudbad.
Sida kutalagalka uu yahay shirka ayaa furmi doona 3da Bishaan May ilaa 4ta Bisha ayuu socon doonaa waana kulankii 38 ee shirka Midowga Baarlamaanada Carabta.
Waxaana shirkaan lagu wadaa inay ka qeyb galaan 250 Guddoomiyayaal heer Baarlamaanka oo wadamada Carabta ah sidoo kale waxaa xaadiri doona wafuud caalami ah maadama lagu gorfeeyn doono xiisadda ka taagan Falastiin, siyaasadaha gudaha iyo mid heer gobol ee wadamada Carabta.
Waxaa xusid mudan in maalinta ugu dambeysa Shirkaan laga soo saari doono Warmurtiyeed uu kuxusan yahay miisaaniyad sanadeedka 2025.