SO | EN

SO | EN

Ku dhawaad 10 ruux oo isku qoys ah oo lagu dilay magaalada Mandhera

|

Mandhera (KAAB TV) -Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ilaa lix ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay hoygooda oo ku yaala magaalada Mandhera.

Dilka lixda ruux ee isku qoyska ah ayaa lala xariirinayaa inuu yahay mid salka ku haayo  aanoyin qabiil, maadaama maalmahii lasoo dhaafay dhulka Miyiga ah ee hoostaga Mandhera iney jireen colaad beeleed soo noqnoqotay.

Cabdulaahi Macalin Xasan oo ah walaalka la dhashay marxuumka qoyskiisa la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu dhacay saqdii dhexe, kadib markii koox hubeysan ay si ula kac ah u beegsadeen guriga dadka isku qoyska ahaa ee la dilay.

“Waxay u muuqataa in si gaar ah loo bartilmaameedsaday, waayo dadka deriska ah lama taaban oo halkan qoys ayaa la laayay, waxay ahayeen qoyskaan dad masaakiìn ah oo iska xoolo dhaqato ahaa” ayuu yiri Cabdulaahi Macalin Xasan.

Kooxda hubeysneyd ee fulisay weerarkaan lagu dilay lixda ruux ayaa dilka kadib isaga baxsatay goobta, mana jrto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka iyo maamulka magaalada Mandheera oo ku aadan weerarkaan lagi laayay dadka isku qoyska ahaa.

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa abuuray cabsi xooggan oo laga cabsi qabo in colaada ay si weyn ugu sii faafto deegaanada kale ee hoostaga magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News