Labada qof ayaa la tilmaamay in mid ka mid ah uu shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala deegaanka.
Marxuumiinta waabarigii hore ee saakay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale, waxaana dadka deegaanku Warbaahinta u xaqiijiyeen in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan degmada Cadalle, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaan lagu dilay labada riix, hayeeshee waxaa lala xariirinaya arrimo salka ku haayo aanooyin qabiil waxaana dadka deegaanka ayaa sheegeen in falkaani uu sababi karo hurinta xiisad colaadeed.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr maalmood ka hor duleedka degmada Cadalle lagu dilay Darawal waday gaari Noha ah, kaasoo la sheegay iney toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeday Cadalle.
Ugu dambeyntii ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Cadalle iyo hay’adaha amaanka ee heer gobol iyo heer fedaraal oo ku aadan dilalkaan kusoo badanaya deegaanada hoostaga degmada Caddale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.