SO | EN

SO | EN

Dawladda Federaalka oo fasaxday diyaaradihii duulimaadyada ku tagi jiray magaalada Doolow ee gobalka Gedo

|

Muqdisho (KAAB TV) -War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu fasaxay in Diyaaradihii tagi jiray magaalada Doolow ee Gobolka Gedo maanta wixii ka bilowday ay ka sameeyn karaan Duulimaad kadib in muddo ah oo xayiraad ay Dowladda saartay inay diyaaradaha u safraan magaaladaasi.

Qoraalka Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa shaaca looga qaaday in Garoonka degmada Doolow oo horay u xirmay sababo amni dartood kadib markii 23-12-2024,oo Diyaaradda Halla Airlines 60-AAB, oo duulimaadkeedu ahaa Muqdisho-Kismaayo-Muqdisho laga afduubtay garoonka degmada Kismaayo lagana dajiyay garoonka Deg. Doolow si qasab ah oo baalmarsan sharciga duulista hawada ee Soomaaliya.

“Markii aan aragnay baahida ay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo uqabaan isticmaalka garoonka deg. Doolow, iyadoo loo diyaargaroobayo maalmihii barakaysnaa ee gudashada acmaasha Xajka. Kadib markii ay ballan qaadeen maamulka deg. Doolow oo kaashanaya laamaha amniga gobolka in ay si wadajir ah u ilaalin doonaan wax kasta oo caqabad amni ku keenaayo dastuurka dalka iyo isku socodka dadka, Hadaba, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 11-05-2025, waxaan go’aansanay in dib loo furo garoonka diyaaradaha ee deg. Doolow.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Fartaag.

Dad badan oo Muqdisho ugu soo socday caafimaad iyo ganacsi ayaa waxa ay noqdeen kuwa deganadaasi ku xayirnaa mudadaan oo ay waayeen meel ay Caasimadda kasoo galaan, waxaana Dowlad Goboleedka Jubaland ay dhowr jeer ay ku eedeeysay Dowladda federaalka inay talabadaasi u qaaday inay ku cuniqabateeyso shacabka Degmada kunool.

HALKAAN HOOSE KA AKHRI WARQADA KASOO BAXDAY XAFIISKA WASIIRKA AMNIGA GUDAHA SOOMAALIYA:-

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News