SO | EN

SO | EN

Qarax Miino oo Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe

|

Xawaadley (KAAB TV) -Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan maleeshiyaatka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley oo marayey deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/dhexe, waxaana qaraxan ku dhintay hal askari labo kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

 

Qaraxan oo dhacay xalay fiidkii ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaal culus uu deegaanka ku dhexmaray ciidamada Macawiisley iyo Al-Shabaab. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada deegaanka waxa ay dib ula wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ay hadda ku sii siqayaan degmada Aadan Yabaal oo qiyaastii 220 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Al-Shabaab ayaa dhawaan qabsaday Aadan Yabaal ka dib dagaallo xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda. Maleeshiyada Macawiisley ayaa waxa ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan degmada istiraatiijiga ah iyo soo celinta gacan ku heynta degmadaasi.

 

Dagaalyahannada Macawiisley ayaa kaalin mug leh ku leh dagaallada ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya oo lagula jiro Al-shabaab, balse weerarrada noocan oo kale ah ayaa muujinaya dhibaatooyinka amni ee joogtada ah ee ay la kulmaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News