SO | EN

SO | EN

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay xayiraaadda uu Maraykanka kusoo rogay dalal Afrikaan ah

|

Muqdisho (KAAB TV) -Midowga Afrika (AU) ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta taban ee ka dhalan karta xayiraadaha socdaal ee uu Mareykanku soo rogay, kuwaas oo saameynaya muwaadiniinta dalal badan oo ay Afrikaan ah ku jiraan.

Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa qiray in dal walba uu leeyahay xuquuq si uu u ilaaliyo xuduudihiisa uguna xaqiijiyo amniga muwaadiniintiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxay ugu baaqeen Mareykanka inuu adeegsado xuquuqdiisa si dheellitiran, caddayn ku saleysan, isla markaana ka tarjumaysa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.

“AUC waxay sii waddaysaa muujinta walaaceeda ku aaddan saameynta taban ee tallaabooyinkan ay ku yeelan karaan xiriirka dadka, isweydaarsiga waxbarasho, iskaashiga ganacsi, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo dhisay muddo tobanaan sano ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Sidoo kale, AUC waxay ugu baaqday maamulka Mareykanka in uu qaato hannaan la-tashi badan, isla markaana uu la yeesho wadahadal wax dhisaya dalalka ay xayiraaddu saameysey.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii fiidkii saxiixay amar lagu mamnuucayo socdaalka muwaadiniinta qaar kamid ah dalalka, isaga oo ku sababeeyay arrimo la xiriira khataraha amniga qaranka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad, amarkani oo dhaqan geli doona 9-ka Juun, wuxuu gabi ahaanba joojin doonaa gelitaanka muwaadiniinta 12 dal: Afgaanistaan, Jabuuti, Jamhuuriyadda Koongo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Liibiya, Myanmar, Soomaaliya, Suudaan, iyo Yemen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News